Dowladda Turkiga Oo Xusaysa Af-gembigii Fashilmay Sanad Kahor.

Hal sano ayaa ka soo wareegatay markii uu fashilmay Afgembi ciidamada Militariga dalka Turkiga ay ku doonaayeen in ay ku qabsadaan dalkaasi, waxaana Maanta qeybo badan oo dunida ka mid ah lagu qabanaya munaasabado Arrintaasi lagu xusaayo.

15-kii Bishii July ee sanadkii 2016-ka ayaa dalka Turkiga waxa ay u aheyd habeen madoow, inkastoo shacabka oo iska diiday dhibaato iyo fowdo dalkooda inuu galo ay muujiyeen arin ku dayasho mudan oo indhaha caalamka soo jiidatay.

Safiirka Dowladda Turkiga ee Muqdisho u fadhiya Olgen Beiger ayaa Wariyeyaasha ugu sheegay Magaalada Muqdisho in munaasabad Arrintaasi lagu xusaayo lagu qaban doono Muqdisho ayna ka qeyb gali doonaan Madaxda Sare ee Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa Shacabka Soomaaliyeed siisa taageero lixaad leh. Dowladda Turkiga oo maanta si weyn u xuseysa sanad guurada koowaad ee afgambigii fashilmay ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in shaqada laga ceyriyay 7,000 oo Shaqaale ka ahaa Dowladda.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com