Site icon Radio Daljir

Dowladda Turkiga oo Si Kulul Uga Hadashay Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Af-urur

Dowladda Turkiga ayaa si xoogan u cambaareysay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen xarun ciidamada Daraawiishta Puntland ay ku leeyihiin Af-Urur oo ka tirsan Degmada Gal-gala ee Gobolka Bari.

Turkiga ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay ehelada dadkii dhibku ka soo gaaray iyo ciidamadii ku waxyeeloobay dagaalkaasi, wuxuuna Alle uga baryay intii geeryootay in uu janatul fardowsa ka waraabiyo.

Hadal Qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa lagu sheegay in Dowladda Turkiga ay si kulul u cambaareyneyso weeerarkii xubno ka tirsan Al-shabaab shalay ku qaadeen fariisin Ciidanka Puntland ay ku leeyihiin Galgala oo ka tirsan Gobolka Bari.

“Turkigu waa saaxiibka iyo walaalka dadka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an in uu bixiyo nooc kasta oo taageero ah si loo gaaro nabad”  waxaa sidaasi lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga waxay sheegtay inay sii wadayaan taageeradda ay siinayaan Dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada, kuwaasi oo Dagaal adag kula jira Al-shabaab.

Exit mobile version