Dowladda Turkiga oo Si Kulul Uga Hadashay Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Af-urur

Dowladda Turkiga oo Si Kulul Uga Hadashay Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Af-urur

Dowladda Turkiga ayaa si xoogan u cambaareysay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen xarun ciidamada Daraawiishta Puntland ay ku leeyihiin Af-Urur oo ka tirsan Degmada Gal-gala ee Gobolka Bari.

Turkiga ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay ehelada dadkii dhibku ka soo gaaray iyo ciidamadii ku waxyeeloobay dagaalkaasi, wuxuuna Alle uga baryay intii geeryootay in uu janatul fardowsa ka waraabiyo.

Hadal Qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa lagu sheegay in Dowladda Turkiga ay si kulul u cambaareyneyso weeerarkii xubno ka tirsan Al-shabaab shalay ku qaadeen fariisin Ciidanka Puntland ay ku leeyihiin Galgala oo ka tirsan Gobolka Bari.

“Turkigu waa saaxiibka iyo walaalka dadka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an in uu bixiyo nooc kasta oo taageero ah si loo gaaro nabad”  waxaa sidaasi lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga waxay sheegtay inay sii wadayaan taageeradda ay siinayaan Dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada, kuwaasi oo Dagaal adag kula jira Al-shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 6
  • maxamed moalin 7 years ago

    masha alah dowlada turkiga waa umahad celinayaa sida ay ucaawineyso dowladanada alaha xafido madaxweyne erdogan madaxweynaha somaliya mudane farmaajo isagane alaha cumrigiisa dheereeyo

  • Jaamac Warfaac 7 years ago

    Alle ayaa ku mahadsan oo indhaheena ku qaboojiyey Xasuuqa maleeshiyaatka Puglaan, H ogaado gaas in aynaan ilaawin wixii aad ka geysateen SUUJ iyo Garacad, welina Xisaab idiin dhiman thy, dhiiga wiil kasta oo aad ku daadiseen deegaanadaas iyo kuwa aad xabsiyada dhigteen mid mid ayaa la idinka tirsanayaa, hadda waxa aan idinka heyno waa un 61 askari, ogaadase xisaab ayaa isugu keen harsan, caradiina u dhinta ama caloosha hooyadii ku noqda bilaahiye waan idinka aargudaneynaaa.

  • Jama sacad 7 years ago

    Fikir Ahaan Dowladda Turkiga Waxaa La Oran Dowladda Keliya Ka Hadasha Aalaaba Danaha Dowladaha Islaamka Iyadoo Aan Geed Kula Gaban Hadalkeeda Waayo runtu Waa Qaraaartahay Hambalyo Ban Leeyahay Waana Soo Dhoweyn Runtii Maqaalkaas Kasok baxay Dowlada Turkida

  • Fikir Ahaan Dowladda Turkiga Waxaa La Oran Dowladda Keliya Ka Hadasha Aalaaba Danaha Dowladaha Islaamka Iyadoo Aan Geed Kula Gaban Hadalkeeda Waayo runtu Waa Qaraaartahay Hambalyo Ban Leeyahay Waana Soo Dhoweyn Runtii Maqaalkaas Kasok baxay Dowlada Turkida

  • abdullahi haaruun 7 years ago

    dawlada turkigu aad iyo aad ayey ugu mahadsantahay taageerada ay lagarab taagantahay dawladda soomaaliya weyna ku mahadsanyihiin waxaana kacodsaneynaa haddanu nahay shacabka soomaaliyeed in dawladda turkigu ay ciidanka soomaaliya kataageerto dhanka hubka iyo gaadiidka ayna la shaqeeyaan dawladda dhabta ah ee uu madaxweynaha ka yahay mudane maxamed cabdullahi farmaajo si ka fiican sidii ay u taageeri jireen dawladihii isaga ka hooreeyay, waayo isaga dhab ayey ka tahay in uu ladagaalamo argagaxisada halka ay madaxdii hore hubka loogu deeqo ay alshabaab siin jireen mahadsanidiin dhammantiin guul iyo gobanimo soomaaliya hanoolaato, soomaaliya hanoolaato , soomaaliaya hanoolaato haddanu nahay shacabka soomaaliueed waa in aanu taageero weyn u muujinaa ciidanka har iyo habeen cadawga innaka hortaagan intii dagaalkii shalay ku dhimatayna ilaahey ha u naxariisto jannadi gardowsana haka waraabiyo aamiin aamiin yaa rabbi .
    madaxweyne gaasna waxaanu usoo jeedineynaa mushaharka sii ciidanka aad puntland kujoogto masoconeyso cadawna ladagaalama carruurtiina iyo xaaasaskiinuna gaajo ha u dhinteen anna hadba dal ayaan dalxiis u tegaayaa oo lacagti dawladda soo gashana akoon ayn ku shubanaayaa carruurteydu nolol sare ayey ku noolaaanayaa, taasu sii socon meyso haddi aadan ciidanka mushaharkooda joogto usiin qalabkoodana u dhameystirin.

  • GEESIYAASHA HALGAMAYA HALA GARAB ISTAAGO REER #PUNTLAND AAWAY MISE IN LADHINTO IYO IN LADHAAWACMO LAMA OGOLA WARTAAS HADAYNAAN DIYAAR U AHAYN GURYEHEENA NABAD UGU JIRIMEYNO EE CADOWGA HALAYSKA QABTO MADAXDANA WAXAN FARAYAA IN AY WAAJIBKOODA GUTAAN GAAR AHAAN MADAXWEYNE C/WELI, KU XIGEENKIISA CAMEY IYO WASIIRKA AMNIGA IYO TALIYAYAASHA CIIDAMADA

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com