Dowladda Soomaaliya oo hay’adaha QM ugu yeertay shir kadhacaya Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo hay’adaha QM ugu yeertay shir kadhacaya Muqdisho

Wasiirka qorshaynta iyo maalgashiga ee dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inay dhowaan shir looga hadlayo maalgashiga Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay shirkan inay isugu yeereen QM iyo hay’adaha maalgashiga ee adduunka, isagoona xusay inay muhiimadda shirka tahay sidii khayraadka dalka looga faa’iidaysan lahaa oo loo maalgashan lahaa.

Wasiirka ayaa sheegay tani inay meesha ka saarayso shaqo la’ aanta dadka gaar ahaana dhalinyarada waxbaratay haysato, waxaana uu QM iyo dowladaha caalamiga uu ka socday inay kasoo qaybgalaan shirka.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com