Dowladda Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Somaaliya

Dowladda Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Somaaliya

Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda , Balal Maxamed Cusmaan , ayaa xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef

Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa lagaga wadahadlay dhowr qodob oo muhiim u ah labada dhinac oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda iskaashiga mira-dhalka ah iyo xoojinta wadashaqaynta xooggan ee Soomaaliya kala dhexeeya Qaramada Midoobey iyo hay’adaheeda gaarka ah si loo gaaro ujeeddada la hiigsanayo oo macno wax ku ool ah ku leh dano wadaagga.

Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef ayaa dowladda Soomaaliya uga mahad celisay sida loo soo dhaweeyay , iyada oo sheegtay inay wadashqeyn wanaagsan dhexmari doonto.

Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda , Balal Maxamed Cusmaan ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Wakiilka Cusub, isaga oo sheegay in ay wax badan ka wada Shaqeyn doonaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com