Dowladda Soomaaliya oo UK kala hadashay dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya oo UK kala hadashay dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay la-taliyaasha xasillinta ee ka socday safaaradda UK ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa looga wada hadlay arrimaha xasillinta iyo hindisaha soo kabashada xilli hore (ERI) ee looga golleeyahay in lagu taageero dadaallada xoreynta Gobolada iyo xasilinta Dowladda Federaalka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda ayaa bogaadiyay Kaalinta ay dawladda UK ka qaadatay arrimaha xasillinta iyo dib u heshiisiinta, isaga oo ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan Hay’addaha fuliya mashaariicda ay dalka ka wado dawlada UK.

Dhankooda la-taliyaasha xasillinta ee ka socday safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ballan qaadeen inay kordhin doonaan taageerada amni oo ay siiyaan Dowladda Soomaaliya si looga adkaado Al-Shabaab.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xilligaan dagaal adag waxaa ay kula jirtaa Ururka Al-Shabaab, waxaana ay kala hadleeysaa sidii looa guuleysan lahaa wakiilada Beesha Caalamka iyo dowladaha taageera

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com