Dowladda Soomaaliya oo soo saartay War ku saabsan Cronavirus

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay War ku saabsan Cronavirus

Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa War kasoo saartay Cudurka Cronavirus ee dunida kusii faafaya kana soo bilowday dalka Shiinaha.

Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hada aysan Soomaaliya ka jirin Khatar, islamarkaana Shaqaallaha Caafimaadka ay heegan ku jiraan.

Warka dowladda ayaa siddan u qornaa:

Waaaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxa si dhow ula socotaa xaaladaha cudurka Cronavirus ee dunida waxayna sidoo kale odorostaa faafidda cudurka, la socodka xaaladaha iyo ka warqabka isku gooshka dadwaynahaya ku nool dalalka uu saameeyay cudurkaani.

Wasaaradda Caafimaadku waxay u xilsaartay guddi si joogta ah uga shaqeeyo arrimaha la xiriira cudurka Cronavirus, waxayna xiriir joogto ah oo rasmi ah la leeyihiin dhamaan hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh caafimaadka iyo isku-gooshka, sidoo kale waxaa joogto ah xiriirka wada shaqayn ee laamaha socdaalka, shirkadaha diyaaradaha iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh isu socodka iyo isku-gooshka dadwaynaha.

Heerarka kala duwan ee Wasaaradaha Caafimaadka (Federaal & Maamul Goboleed) waxay heegan buuxda galiyeen shaqaalahooda xarumaha dalka laga soo galo iyadoo ruux walba uu musaafir ah uu marayo baarista asaasiga ah ee lagu hubinaayo xaaladiisa caafimaad sidoo kale la xaqiijinaayo socdaalka iyo goobaha uu soo maray.

Wasaarada Caafimaadka Federaalka Soomaliya waxay xaqiijinaysaa in aysan jirin ilaa iyo haatan qatar la xiriirta cudurka mana jirto qof isagoo aan soo marin hab raacyada lagu hubiyo cudurka ama laga shakisan yahay oo dalka soo galay.
Muwaadiniinta iyo ajaanibta la xaqiijiyey inay ka badqabaan cudurka ee soo galay dalka waxay Wasaarada Caafimaadka la socotaa xaaladohooda waxayna marisay hab raaca diiwan galinta iyo xaqiijinta faya qabkooda.

Wasaarada Caafimaadka waxay ku boorinaysaa dhamaan war baahinta dalka iyo kuwa caalamiga ahba inaan la faafin war bixinada xasaasiga ah ee la xiriira cudurkan oo aan la abuurin walaac aan jirin.

Waxaan ku adkeeynaynaa dhamaan warbaahinta iyo dadweynahaba in warbixinta cudurka cronovirus aan laga qaadin meel aan Wasaarada Caafimaadka ahayn.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com