Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday hay’ad uu leeyahay nin ajnabi ah

Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa warqad ay soo saartay ku mamnuucday inay dalka ka shaqayso hay’adda Sahan Research oo uu madax ka yahay Matthew Bryden oo ah Canadian-falanqeeya siyaasadda Soomaaliya, kaasi oo horay hay’ado gargaar iyo ururo siyaasadeed oo ka howlgala Soomaaliya lasoo shaqeeyey, sidoo kalena madax kasoo noqday kooxda dabagalka cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Eriteriya ee Monitoring Group sanadkii 2008-2012kii.

Warqad qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda amniga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la joojiyay dhammaan shaqooyinkii hay’adda Sahan Research ay ka waday gudaha Soomaaliya,b ayna socdaan baaritaano hay’adda kusaabsan oo ay wadaan hay’adaha ammaanka ee dowladda,  waxaana  lagu wargaliyay hay’adaha caalamiga ee ka howlgala dalka iyo ururada shaqeeya inaanay wax la shaqayn ah la yeelan karin sababo la xiriira amniga qaranka, xasilloonida iyo Midnimada dalka.

Matt Bryden ayaa caan ku ah inuu aad ugu ololeeyo gooni isu taagga Somaliland iyo in dalka Soomaaliya lakala qaybiyo, waxaana uu qabaa gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Ubax Bryden oo ah gabar kasoo jeeda Somaliland, taasi oo u haysa sadex carruur ah.

Madaxwaynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa dalka uga eryay horay, kadib warbixin uu soo saaray oo ku saabsan inuu musuqmaasuq kajiro hay’adaha dowladda iyo madaxda inay dhaqaalle dhigtaan akoono gaar ah oo dibadda ku yaalla arinkaasi oo keenay in dalka laga eryo, dowladdii Shariifka ay iska fogaysay eedaymaha Matt Bryden.

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com