Dowladda Soomaaliya oo lagu Wareejiyey Mucaawimo ka Timid Indonesia (sawirro)

Dowladda Indonesia ayaa Maanta Markab sida Shixnad gargaar ah waxa ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya, waxaana deeqdaan oo ka timid dowladda Indonesia ayaa waxaa loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ay Abaaruhu saameeyeen, waxaana dowladdaasi kala wareegay Wasaaradda Gargaarka  Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Munaasabadii  deeq wareejinta ayaa waxaa ay u mahadcelisay dowladda Indonesia oo sheegtay in ay garabtaagan tahay Shacabka Soomaaliyeed.

Maryan Qaasim ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in Shacabka Soomaaliyeed hadda ay u baahan yihiin Gargaarka ,iyadoona deeqdaasi si toos ah ugu Wareejisay Guddiga Gurmadka Abaaraha dowladda Soomaaliya.

SAWIRRO


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com