Dowladda Soomaaliya oo Karantiishay Afar qof

Dowladda Soomaaliya oo Karantiishay Afar qof

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa shalay kasoo degay Afar Muwaadiniin Soomaali ah,kuwaas oo la sheegay inay ka yimaadeen dalka Talyaaniga oo kamid ah dalalka uu saameynta weyn ku yeeshay Cudurka Coronavirus.

Muwaadiniintaan ayaa waxaa ay kamid ahaayeen Askar Leyli sarkaalnimo loogu diray dalka Talyaaniga,waxana ay saarnaayeen Diyaaradda Ethiopian Airlines duulimaadkeeda maanta ee Addis Ababa iyo Muqdisho.

Xubno kamid ah Saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomalaiya oo maalmahaan howlo Shaqo ka wadey Garoonka ayaa la wareegay,iyada oo la soo sheeayo in Afarta Ruux la karantiiley.

Afarta ruux ayaa sidoo kale Wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in maalmahaan lagu heyn doono meelo gaar ah oo Garoonka ku yaalla si loo hubiyo Caafimaadkooda maadaama ay ka yimaadeen dal uu siweyn uga dilaacey Caabuqa Coronavirus.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com