Dowladda Soomaaliya oo Hay’adda IOM kala hadashay waxka qabashada Abaarta

Dowladda Soomaaliya oo Hay’adda IOM kala hadashay waxka qabashada Abaarta

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Biixi Iimaan Cige ayaa maanta xafiiska ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Hay’adda Socdaalka Adduunka ee (IOM), Maxamed Abdikheyr.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa wada-hadal ay yeesheen, waxaa diirrada lagu saaray xal u helida caqabadaha shaqo iyo socdaal ee ay wajahayaan Dhallinyarada Soomaaliyeed, saameynta abaaraha ee dalka ka jira, horumarinta mashaariicda taageeraya qoysaska nugul , dadka ku barakacay gudaha dalka iyo qaxootiga ku soo guryo noqonaya dalka.

“Waxay muhiimad u leedahay IOM – qorshaha aan dooneyno in lagu gaaro isbeddelada shaqo la’aan ee Dhallinyarada , ka jawaabida xaaladaha deg degga, taageerraya Dadka ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga iyo barakacayaasha gudaha . “ayuu yiri Wasiir Biixi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay wadaa dadaalo ay ku dooneyso in xal loo helo abaarta daba dheeraatay ee xilligaan kajirta dalka Soomaaliya, iyada oo Beesha Caalamka ay ka gaabisay waxka qabashadeeda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Xasan Abaaroow wax kale oo aad oa hadasho maa waydey abaartu aduunkpo dhamey ka jirtaa mise
    QABYO NINKEEDAA U MAQAN WAAYE

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com