Dowladda Soomaaliya oo Hambalyo U Dirtay Dhiggeeda Turkiga

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo Hambalyo U Dirtay Dhiggeeda Turkiga

War Saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka ah ee soomaaliya ayaa loogu hambalyeeyay Dowladda iyo shacbiga Turkiga guushii wax ku oolka ajeyd ee

Madaxweyne Xasan “Nin Isbaaro lagu soo qabtay oo Qaadicu Dariiq ah qof igu imaan karo malahan”
Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Bari oo gacanta ku dhigay Saraakiil katirsan Al-Shabaab
Mareykanka Iyo Iran oo Maxaabiis Isweydaarsaday

War Saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka ah ee soomaaliya ayaa loogu hambalyeeyay Dowladda iyo shacbiga Turkiga guushii wax ku oolka ajeyd ee ay ka  soo hooyeen aftidii dhinaca Dastuurka ee maalinimadii shalay ka dhacday dalkaasi.

“Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan guushii uu ka gaaray Aftidaasi ,taas oo u horseedeysa in uu ku hoggaamiyo dalkaasi karti iyo horumar,waxaana ku kalsoonahay in tallaabadii ay qaadeen dadka Turkiga ay horseedeyso hoggaamin wanaagsan” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay Dowladda Turkiga in ay tahay saaxiib, qiimo leh oo ka mid ah taageerayaasha caawiya Soomaaliya, taas oo aaan u aragno in ay xoojineyso xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Labada Dowladood.

Ugu dambeyn xukuumadda iyo shacabka dalka Soomaaliya waxa ay u rajeeyeen shacabka Turkiga oo doortay wadada cusub ee dowladnimada, horumar iyo barwaaqo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: