Site icon Radio Daljir

Dowladda Soomaalida ee Itoobiya oo magac iyo calan cusub yeelatay (dhehayso)

Madaxweynaha cusub ee Dowladda Soomaalida ee Itoobiya ayaa maanta oggolaaday in la baddalo magaca dowladda, loona laabto magacii hore ee ahaa Somali State of Ethiopia ama Dowladda Soomaalida ee Itoobiya .

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Mustafe Cumar oggolaaday in calanka hadda la isticmaalo laga guuro loona laabto calankii dhanka bidix ka ahaa calanka midabka cirka ee dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaalida ee Itoobiya waxaa astaan u noqoneysa heesta “Soomaaliyeey toosa, toosa oo isku tiirsada,” waxaana dhammaan qodobadaas looga dhawaaqay goob ay ku suganyihiin Madaxweynaha cusub, kuna taal Magaalada Addis Ababa.

Hoos ka dhegayso.

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5b7f13910401000bdf170053/Magaci+DDSI+oo+la+badalayo+loona+binayo+Somali+State.mp3?_=1
Exit mobile version