Dowladda Somaliya oo Maxkamadaynaysa Wariyayaal ay Xirtay

Axad, Oktoobar 04, 2015 (Daljir) —Wasiiru dowlaha warfaafinta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Beekoos ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay xariga ay ciidamada nabad sugidu u geysteen xafiiskii iyo qaar kamid ah weriyayaashii Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho.

Mr Beekoos ayaa sheegay in Hay’adaha nabad sugiga qaranka Soomaaliyeed sida uu sheegay ay dhowr jeer oo hore Tvga Universal uga digeen inuu baahiyo warar uu sheegay inay kadhan yihiin jiritaanka dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda Tvgu ay iska dhega tireen awaamiirta dowladda, wuxuuna intaasi ku daray in si dhaqso ah sharciga loo horkeeni doono weriyayaasha xilligaan u xiran dowladda sharcigana lala tiigsan doono.

Weriyayaasha Tvga Universal ee kuxidhan Muqdisho oo aan loosoo marin habkii sharciga ahaa ama aan waaran Maxkamadeed lagu xirin ayaa waxaa loohaystaa siideynta barnaamij dood ahaa oo ay ka qaybgaleen mudanayaal katirsan barlamaanka Soomaaliya.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com