Dowladda Somalia oo Hal-Milyan ku Taageertay kaalmada Abaaraha

Jariiban, 28, March, 2016-(Daljir)_Kulan ay isugu yimaadeen gudiga Qaran ee Gur-madka abaaraha, ayaa looga hadlay abaaraha ba’an ee ka jira dalka, shirkan ayaa waxaa ka qayb-galay; ururada bulshada rayidka ah, culumaa’uddiinka iyo dhallinyaro, waxayna gabi ahaantood muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin ka qayb-qaadashada abaaraha baahsan ee ku dhuftay qaybo ka mid ah Somalia.
 
Wasiirka Maaliyadda Somalia Maxamed Aadan Ibraahim [Farketi] oo xubin ka ah guddiga ayaa intii shirku socday wuxuu balan-qaaday in dowladda Somalia ay bixinayso lacag dhan 1-Milyan oo doollar, si wax looga qabto Abaaraha ka jira dalka.
 
Guddigan oo shaqadoodu tahay wax ka qabashada abaaraha, ayaa waxaa looga dhawaaqay Khamiistii lasoo dhaafay shirkii Golaha Wasiiradda Soomaaliya, waxaana hoggaaminaysa wasaaradda arrimaha gudaha. Waxaana uu u xil-saaran guddigaan isku xirka Dowladda FS, maamul-goboleedyada, Beesha Caalamka, Wacyi-galinta Shirkadaha kala duwan ee dalka ka jira, Ganacsatada iyo hay’adaha maxalliga ah, inay gacan buuxda ka gaystaan ka Qayb-qaadashada abaaraha dalka ku dhuftay.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com