Dowladda Somalia oo Amarro Adag Dul-dhigtay Hoteelada Muqdisho

November 04, 2015 (Daljir) —Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa awaamiir cusub oo dhinaca amniga la xiriira dul-dhigtay Hotelada Muqdisho, kadib kulan Mas’uuliyiinta Hey’addaha ammaanka iyo milkiilayaasha Hotelada ku dhex maray Xarunta NISA.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayay Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, Taliyaha Nabadsugida Qaranka Jen. C/raxmaan Tuur Yare, Saraakiisha ammaanka iyo madaxda iyo milkiilayaasha Hotelada Muqdisho.

Kulanka kadib ayaa war saxaafadeed laga soo saaray, kaasoo ku saabsanaa awaamiir cusub oo amniga ah Hotelada lagu sugayo, kadib markii ay korortay weerarada Al-Shabaab muddooyinkii u dambeeyay la beegsaneysay Hotelada Muqdisho.

Hadaba awaamiirta ka soo baxay Hey’adda NISA ayaa sidan ahaa:-

1. Hoteel walba waa inuu Sameeyaa Labo Kontorool Baaxadda u dhaxaysa Kontoroolka Koowaad iyo kan Labaad oo ah Albaabka laga soo galayo,waa in uu yahay Masaafo dhan 100 Mitir.

2. Waa in Hoteel walba uu sugaa Amniga 200 oo Mitir oo isku Wareeg ah oo ku Hareereysan Hoteelka.

3. Dadka Degaya Hoteelka waa in laga hayaa Koobi Baasaboor Ama Aqoonsi u dhigma.

4. Qof kasta oo soo booqanaya Muwaadin degan Hoteelka waa in laga Qoraa Qofka uu soo booqanayo,Qofkasta oo ka soo Shaahenaya Hoteelka ama u soo sheeko Doonanaya waa in laga diiwaan galiyaa ID CARD uu wato Ama Magaciisa la qoro.

5. Shaqaalaha Hoteelka ka shaqeynaya waa in laga Diiwaan Galiyaa Xarunta NISA ee Degmada uu ku yaal Hoteelkaas,lana mariyaa Baaritaan Amni Shaqaale walba,waxii Caawin ah oo ay u baahdaana waxaa ay la soo Xariiri karaan Hay’addaha Amniga.

6. Hoteel waliba Amniga Muwaadiniinta degan waxaa lagala Xisaabtami doonaa Milkilaha Hoteelka.

7. Hoteel Walba waa inuu leeyhay Qalabka Casrigaa ee Gaadiidka iyo Dadka.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com