Dowladda Somaaliya oo Warsaxafadeed kaso saartay Shirkii Brussels

Dowladda Somaaliya oo Warsaxafadeed kaso saartay Shirkii Brussels

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay taageeradi looga muujiyay shirki Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Talaadadi lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

War- saxaafadeed koo baxay wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalia ayaa lagu sheegay in dowladdu ay soo dhaweynayso in dalalka iskaashiga Somalia la lihi ay sheegeen inay Somalia ku yaboohayaan 1.2 milyan oo Euro.

Iyada oo taageerada dawladda loo sameeyey laga duulayo ayaa dalalka iskaashiga Somalia la lihi ay sheegeen in Somalia ay ku yaboohayaan 1.2 milyan oo Euro, taas oo ah afar meeleedow hal meel miisaaniyadda tooska ee dawladda Somalia lagu shubi doono.

Dhianaca kale, Danjiraha Dawladda Imaaraatka Carabta u fadhiya dalalka Belgium iyo Luxemburg, Maxamed Ciisa al Suwaydi ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay Isutagga Imaaraadka Carabta uga go’an tahay taageerada dadaalada lagu soo celinayo midnimada, amniga iyo xasiloonida Somalia iyo in wax laga qabto caqabadaha amniga, siyaasadda iyo horumarinta Somalia.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com