Dowladda Somaaliya oo shaacisay kisaas cusub oo Covid-19 ah

Dowladda Somaaliya oo shaacisay kisaas cusub oo Covid-19 ah

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 22 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 1,521.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 7 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 5 qof iyo Gobolka Banaadir 2 qof , taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,178.

Bukaannada cusub 6 ka mid ah waa rag 1-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirin wax qof Cudurka COVID19 u geeriyooday, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 93 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com