Dowladda Somaaliya oo la Wareegtay Xeradii u Imaraadku ku Tababari jiray Ciidanka Xooga Dalka (Sawiro)

Ciidammada ay tababareen Imaaraadka Carabta oo loogu magac daray guutada Daljir kaddib markii maanta Kuliyadda Tababarada ciidammada ee Jeneraal Goordan uu kormeeray Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hal Guuto oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u tababaran si gaar ah ayaa lagu diyaariyey Kuliyadda Jeneraal Goordan oo markii hore aheyd Dugsiga tababarrada ee ay gacanta ku hayeen macallimiin ka socotay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Guutadan ayaa loogu magac-daray Daljir, waxa ayna qeyb xoog leh ka qaadan doonaan howlgallada ciidanka milatariga Soomaaliya ay wadaan.

Abaanduulaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo kormeeray Kuliyadda Jeneraal Goordaan ayaa shaaciyey in Qalab kala duwan oo ciidan iyo xarumo caafimaad lagu diyaariyey Kuliyadan isla markaana xarun ay u sii ahaan doonto Guutada Daljir ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidammada Daljir ee Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa loo dhameystiray qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen oo ay dowladda Soomaaliya uga mahad celisay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com