Dowladda Somaaliya oo la Wareegtay Dhalinyaro Maxaabis ah oo laga keenay Sechelles

Dowladda Somaaliya oo la Wareegtay Dhalinyaro Maxaabis ah oo laga keenay Sechelles

Maxabistaan oo Tiradooda Gareeysay Todobo Dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku Xirnaa jaziirada Sechelles ayaa maanta dib loogu soo celiyay dalka, Waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku Soo dhaweyay Wasiirka Cadaalada, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xeerilaaliyah Guud ee Qaranka Iyo Xubno ka tirsan Aqalka Sare.

Maxabistani ayaa 6 ka mid ah xabsiga Ku dhameysan doona dalka halka Qofka dodobaad la sii dayay oo uu mudada xabsiga uu soo dhameystay.

Taliyah Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan ayaa shegay in tallaabo Wagansan ay tahay in dalka dib loogu Soo celiyo maxabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran Wadamada Calamka.

Xeerilaaiyah Guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Dahiir oo halkaasi ka hadlay ayaa Xuseey in Maxabiis kala khamiista ay ku soo Wajhanyihiin dalka si,dalkooda ay ugu dhamestaan Xukunnada u dhiman.

Wasiirka Cadaalada Xukumada Fadraalka ah ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Wasaaradda Cadaalad oo kaashaneyo Xiirilaaiyah guud ee Qaranka iyo Wasaradda Arimah dibada ay ku mashquulsantahay in dalka loogu soo celiyo maxabiista soomaaliyeed ee ku xiran wadamada dibadda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com