Dowladda Somaaliya oo gacanta ku dhigtay qalabki Idaacada Afka Alshabaab (dhegayso)

Dowladda Somaaliya oo gacanta ku dhigtay qalabki Idaacada Afka Alshabaab (dhegayso)

Wasaaradda Warfaafinta dowladda ayaa sheegtay inay la soo wareegtay qalabkii Idaacada Andalus ee Al Shabaab ugu tiilay degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha hoose.

C/raxmaan Iidaan Yoonis oo ah Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Somaliya, ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi ayaa warbaahinta u sheegay in qalabka Idaacaasi lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in hadda ay si buuxda ula wareegeen, islamarkaana ay hadda gacanta ku hayaan.

“Waxaa guul u soo hooyatay Umadda Soomaaliyeed iyo Dowladdooda in Shabaab la gala soo wareegay Idaacadii ay dadka ku marin habaabin jireen,taasina waxaa ku ammaanaan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca dalka iyo bur burinta Al-Shabaab,hadana qalabkaasi waxaa gacanta ku haya laamaha ammaanka Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiir Iidaan Yoonis.

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Cali Canood ayaa sheegay in maalmo ka hor ay Burburiyeen Idaacadda Anduluus Laanteeda degaanka Mubaarak.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com