Dowladda Somaaliya oo Cafis u fidisay Mucaaradkeeda (dhegayso)

Dowladda Somaaliya oo Cafis u fidisay Mucaaradkeeda (dhegayso)

Wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay
in cafis loo fidinyo siyaasiyiinta mucarad ku ah dowladda
Soomaaliya,waxaan wsaraddu ay sheegtay in xubnahan cafiska loo
fidinayo ay qal-qal galin ku wadan dalka.

Afhayeenka Wasaaraddaas C/casiis Xildhibaan oo Maanta Saxafadda kula
hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay cafis
u sameyneyso siyasiyiin dowladda ugu eedeysan qaran dumis,islamarkaana
hay’adaha ammaanka ee dowladdu ay isku afgarteen in siyaasiyiintan
lala xisaabtamo haddii ay dhacdo in mar kale ay soo celiyaan falka
hadda ay ku eedeysnayeen.

Afhayeenka Wasaaradda amnigu muusan carrabaabin siyaasiyiintan uu
sheegay in dowladdu ay cafisk u fidineyso,mana uusan sheegin waxa
dhabta ah ee ay ku eedeysnyihiin xubnahan marka laga tago in lagu
sheegay qaran-dumisyaal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com