Dowladda Somaaliya oo Agab Cafimaad gaarsiisay Caabudwaaq

Dowladda Somaaliya oo Agab Cafimaad gaarsiisay Caabudwaaq

Magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa maanta ka so dagay Diyaarad sida Agab caafimaad oo ka yimid dhanka Dowlada Soomaaliya.

Agabkaan oo nocyo kala duwan iskugu jira ayaa waxa logu talagalay Dagmoyinka Balanbal iyo Cabudwaaq oo maalmahan u sameyn ku yeeshay caabuqa Covid19

Agabkan Caafimaad ayaa waxaa gudomay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid waxaana uu uga mahadceliyay Dowlada Soomaaliya sida ay uga so jawaabtay codsigii ay u direen.

Diyaaradda ayaa siday Dhakhaatiir, Daawo, iyo Agab kale oo loogaga hortagayo Xanuunka Safmarka ah ee ka dilaacay Degmada Caabudwaaq ee Covid 19.

Qalabka ay wado diyaarada ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah, Ventilatorro loo isticmaalo Oxygen-ka ama Neef bixiyayaal oo gaaraya ilaa 10 L iyo PPE iyo Gloves iyo Face Mask Cloves, iyo Antiseptics, oo loogu gurmanayo shacabka ku nool Degmada Caabudwaaq iyo deegaanada ku xeeran.

Waxaa wehliya daawada Dhakhaatiir dhawr ah oo bukaanada xanuunsan Samples ka qaadi doona si loo xaqiijiyo bukaanada xanunsan oo ay horay u soo gudbiyee Bahda Caafimaadka Degmada.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com