Dowladda Shiinaha oo Taangiyo Casri ah ka iibiysay Jabuuti

Sabti, Luuliyo 04, 2015 (Daljir) — Ciiddanka Jabuuti ee ku sugan Gobalka Hiiraan waxaa markii ugu horreysay la soo gaarsiiyey, kuna hawlgeli doonaan Taangiyadda casriga ee Norinco WMA301, kuwaasi oo caawimi doona Ciiddanka AMISOM ee ka hawlgala Koonfurta Somalia.

Taangiyadaasi ayaa waxay ciiddanka Jabuuti ku soo bandhigeen Dhoolatuska Maalinta Xorriyadda Jabuuti oo loo dabaaldegay bishii hore ee June 27-da.

Taangiyadda waxaa soo saarta Wershadda NORINCO ee laga leeyahay dalka Shiinaha, iyadoo ay Dowladaha Afrika ka haystaan Taangiyadaasi dalalka Kaarimuun iyo Jaad, kuwaasi oo Taangiyadaasi kula dagaalama Kooxda Boko Haram ee dalka Nigeria.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay inay Ciiddankooda sida ugu dhaqsaha ugu guuleysan doonaan Hawlgalladda ay kula jiraan Dagaalamayaasha  Alshabaabka ee ku sugan Bartamaha Somalia.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com