Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya

Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya

Dowladda Shiinaha ayaa uga mahad celisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya taageerada iyo garab istaaga ay u muujisay taas oo ku aadan in Soomaaliya ay Taiwan u aqoonsatay qeyb kamid ah dhulweynaha Shiinaha.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo soo jireen ah qarniyo ka hor.

“Dowladda Shiinaha ayaa si weyn ugu mahadcelineysa taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaha Soomaaliyeed ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay qoraal ay soo saartay ku caddeysay mowqifkeeda adag ee ah in ay ixtiraameyso siyaasadda iyo Madax bannaanida Shiinaha, iyada oo u aragta in Taiwan uu yahay qayb aan ka maarmi karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha.

Dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka ayaa aad isugu khilaafsan Arrimaha Taiwan, iyada oo ay jiraan dalal kale oo taageeray Shiinaha, waxaana xusid mudan in Taiwan ay horay aqoonsi & taageero u siisay Somaliland oo isku aqoonsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com