Site icon Radio Daljir

Qadar: “Heshiis Alshabaab iyo Dowladda Soomaaliya baan Wadnaa”

Madaxda wadanka Qadar ayaa markii ugu horeysey shaaca ka qaaday in dowladda dalkaasi ay wada hadalsiin doonto dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirta.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar Maxamed Bin Cabdiaxmaan Al-Thani ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay codsi u dirtay dowladda Qadar, kaasoo ku aadan in ay wadahadalsiiso dowladda Qadar Shabaab iyo dowladda Soomaaliya.

Maxamed Bin Cabdiaxmaan Al-Thani ayaa intaas ku daray in dowladda Qadar ay Aqbashay arintaasi , islamarkaana dhawaan ay Shabaab iyo dowladda ka dhex bilaabi doonto wada hadal.

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in Wadahadallada u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya ay furmayaan dhamaadka Bishaan.

Exit mobile version