Qadar: “Heshiis Alshabaab iyo Dowladda Soomaaliya baan Wadnaa”

Qadar: “Heshiis Alshabaab iyo Dowladda Soomaaliya baan Wadnaa”

Madaxda wadanka Qadar ayaa markii ugu horeysey shaaca ka qaaday in dowladda dalkaasi ay wada hadalsiin doonto dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirta.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar Maxamed Bin Cabdiaxmaan Al-Thani ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay codsi u dirtay dowladda Qadar, kaasoo ku aadan in ay wadahadalsiiso dowladda Qadar Shabaab iyo dowladda Soomaaliya.

Maxamed Bin Cabdiaxmaan Al-Thani ayaa intaas ku daray in dowladda Qadar ay Aqbashay arintaasi , islamarkaana dhawaan ay Shabaab iyo dowladda ka dhex bilaabi doonto wada hadal.

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in Wadahadallada u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya ay furmayaan dhamaadka Bishaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 4
  • c/qaadir maxamed c/qadir 7 years ago

    cadawga somaliyaa badan somalina weyhuruda alshabaab waa Somali waxana lagu caqli sirayaa adaa mamuli dina wadanka qofkastod caqli leh oo wax garanaya kulana looltami kara ciribtir oo caamo iyo ciyaal iyo caqlilawi isugu keen alshabaab hadey laheshinayso dowlada welcome banu lenahay hadaad idinku dankalle ledihina allaha ha idinkaqabto

  • Kkkkkkkkkkk sheekoy ku nacay

  • maxamed cali cige 7 years ago

    maanta inbay guul iyo gobannimo isoo joyatay. somaliya haddii uu najaxo wadahadalka ay la galayaan. alshabaab

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com