Dowladda Qadar oo Maalgalinaysa Mashruuc Lagu Dhisayo Xarunta Wasaarada Qorshaynta

Dowladda Qadar oo Maalgalinaysa Mashruuc Lagu Dhisayo Xarunta Wasaarada Qorshaynta

Sanduuqa horumarinta dowladda Qadar ayaa maal-gelinaya dhismaha iyo dayactirka lagu samaynayo wasaaradda qorshaynta, arintaas oo qayb ka ah heshiis ay horay u wada saxiixeen labada dawladood ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhagax-dhigay xarunta wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo lagu samaynayo dib-u-dhis ballaaran, waxaana ka qaybgalay wasiirka qorshaynta federaalka Jamaal

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu uga mahadceliyay dawladda Qatar maal gelinta mashruucaan, isaga oo sheegay in dhismaha wasaaraddu uu muhiim u yahay barnaamijka xukuummadda, shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka.

“Dhismaha wasaaraddan iyo in aan kusoo celinno sidii ay ahayd sanad gudihiis waa geeddi socodka aan rabno in wasaarad iyo dhisma waliba ee waddankaan laga dudumiyay aan dib ugu soo celinno sidii ay ahaan jirtay”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre, wuxuuna sii raaciyay

“Dowladdu waxba ma dhisi karto hadii shacabka Soomaaliyeed aysan garab istaagin. shacabka Soomaaliyeed meel kasta ee ay joogaan iyaga laftoodu waa in ay go’aan ka gaaraan dhismaha waddanka”, ayaa ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay shacaka Soomaaliyeed.

Dowlada Qadar ayaa malaayiin dollar ku bixisay mashaariic laga fulinayo magaaladda Muqdisho, oo ay ka mid tahay dhismaha iyo tababarida ciidamada sirdoonka Somaliya, iyadoo dhowaana Hay’adda NISSA loo magacabaay Fahad Yaasiin oo xiriir dhow la leh dowladda Qadar.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com