Dowladda Qadar oo Ciidamo u Dirtay Yemen

Isniin, September 07, 2015 (Daljir) — Dowlada Qadar ayaa kun askari oo ku hubaysan 200 oo baabuurta gaashaaman ah iyo 30 diyaaradaha qumaatiga ukaca udirtay dalka Yemen si ay qayb uga noqdaan ciidamada dalalka khaliijka ee dagaalka kula jira Xuuthiyiinta Yemen.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka howlgeli doonaan gobolka Maareb.Aljazeera waxay sheegtay in dowlada Qadar ay ciidamo kale oo dheeraad ah udiri doonto Yemen.

Waxaa weli gudaha Yemen ka socda dagaalkii udhaxeeyay xuuthiyiinta Yemen iyo isbahaysiga uu hormuudka ka yahay Sacuudigu.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com