Dowladda Puntland oo War Kasoo Saartay Dagaalka Tukaraq

Dowladda Puntland oo War Kasoo Saartay Dagaalka Tukaraq

Dowladda Puntland ayaa warsaxaafadeed kasoo saartay dagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo u jirta caasimadda Puntland ku dhowaad 90km.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu eedeeyey Somaliland inay duulaan kusoo qaaday dhul katirsan Puntland xilli uu booqasho ku joogay madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya 18jan,2018, iyadoo horay dhul uga haysatay Puntland ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland marna ma’ogolaan doonto weerarada uu soo qaadayo maamulka Somaliland ayaa sidoo kalle lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland, waxaana masuuliyadda dagaalka lagu eedeeyey madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo horay u sameeyey balanqaad ah inuu soo xirayo xuduud uu Ingiriiska uu sameeyey xiligii gumaysiga.

Hoos ka akhriso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com