Dowladda Puntland oo u digtay musharixiinta madaxwaynaha Puntland 2019 (dhegayso)

Dowladda Puntland oo u digtay musharixiinta madaxwaynaha Puntland 2019 (dhegayso)

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa uga digay musharixiinta u taagan doorashada madaxtinimada ee Puntland fowdo iyo gaadiid dagaal inay lasoo galaan Puntland, isagoona ugu baaqay inay arrintaasi ka feejiganaadaan.

Waxaa uu ku baaqay in la ilaaliyo maslaxadda guud iyo inaan laga mashquulin iska daaficidda Al-shabaab, Daacish iyo Somaliland oo uu sheegay inay duulaan ku yihiin Puntland, dowladdana aan laga mashquulin arrimaha difaaca ee gacan lagu galo doorashada, gacana dalka lagu difaaco.

“Cadowga badan ee raba inuu naga faa’iidaysto yaynaan fursad isku siinin”Ayuu yiri wasiir Qarjab.

http://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5bdd4d31010100ba18432a27/Wasiir+Qarjab.mp3

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com