Dowladda Puntland oo Shuruud Adag Kusoo rogtay xubnaha ka mid noqonaya golaha deegaanka (dhegayso)

Dowladda Puntland oo Shuruud Adag Kusoo rogtay xubnaha ka mid noqonaya golaha deegaanka (dhegayso)

Dowladda Puntland ayaa shuruudo kusoo rogtay dadka ka midka noqonaya xubnaha golaha deegaanka ee degmooyinka Puntland oo ah inay leeyihiin aqoon jaamacadeed.

Wasiir Kuxigeenka wasaaradda arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Cabdulaahi Xaashi Qoobdeero oo waraysi gaar ah siinayay radio Daljir ayaa sheegay inaanay ogolaan doonin dad aan u qalmin xildhibaanimada golaha deegaanka inay kusoo biiraan golaha deegaanka, isagoo sheegay in dhibaatooyin badan lagala kulmo dadka aan aqoonta badan lahayn ee ka mid noqonaya golaha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Shuruudaha waxbarasho ee golayaasha deegaanka lagu soo xulo ayaa ah aqoon dugsi dhexe, taasi oo wasiirka uu sheegay inay soo baxday xilli dalku aanu lahayn jaamacadaha tirada badan ee maanta ku yaala.

Wasiirka ayaa sheegay golaha deegaanka ee magaalooyinka Bosaso iyo Garoowe in dhowaan la guda geli doono, waxaana uu sheegay inay markii u horaysay fursad siinayaan ardayda ka qalin jabisa jaamacadaha inay u tartamaan golayaasha deegaanka, si loo helo horumar wayn, xildhibaankii aan shuruudaasi buuxin karin dib ayaan u celinaynaa ee yuu isa soo lugoyn, ayuu wasiirka ku sheegay waraysigiisa

 

Xasan Haykal ayuu wasiirka uu u waramay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com