Dowladda Puntland oo ku Baaqday in la Caawiyo dadka ka soo Qaxaya Colaadaha Yemen

Khamiis, May 14, 2015 (Daljir) — Wasiirka wasarada Arrimaha Gudaha dowladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Puntland,Aaxmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash oo Maanta warbaahinta kula hadlay magalada Garoowe,aya ka codsadaya Ha’yadaha caalamiga ah iyo ummada Soomaaliyeed in ay shacbiga iyo xukuumadda Puntland ka gacan siiyaan soo dhowaynta iyo samatabixinta Qaxootiga kaso cararaya dagaalada ka socda dalka Yemen ee kuso qul-qulaya dhulka Soomaalida.

Wasiir Karaash aya tilmaamay in baahida ay qaban dadka soo qaxaya ayka jawaabi karto Beesha caalamka iyo Ha’yadaha Caalamiga ah ee samafalka,waxana uu sido kale wasiirku fah-faahiyey tirada rasmiga ah ee Qaxootiga maal-mahan soo gaaray deegaanada Puntland gaar ahaan magala xeebeedka Boosaaso oo maalinimadi shalay ay soo gaareen Qaxooti gaaraya ilaa 1723-qof.

Docda kale Wasiirka wasaradda Arrimaha gudaha Puntland Axmed Karaash aya dowladda Sacuudiga iyo dowladaha kula bahoobay dagaalka Yemen ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka aan joogsiga lahayn ee ay kula jiraan Kooxa Xuutiyiinta ah ee qalalaasaha dagaal ka Abuuray dalkaasi Yemen.

Ugu danbayntii wasiirka aya hadalkiisa kuso gabagabayey in xaalada Qaxootiga Yemen kaso cararaya ay haatan u bahan yihiin taageero heer caalami ah oo lagu badbaadiyo noloshooda waa sida uu yiriye,waxaa isna Maanta wasiirku kulan la qaatay Qunsulka dowladda Yemen u fadhiya Soomaaliya Mr.Maansuur,waxana ayka wada hadleen Arrimaha Qaxootiga Soomaalida ah ee Yemen jooga iyo waliba kuwa haatan kaso qaxay.

By: Maxamed Xalliye

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com