Dowladda Puntland oo Ka Baxday Shirka wada-tashiga Muqdisho

Axad, September 20, 2015 (Daljir) — Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helayno magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa sheegaya inuu fashil kudhowyahay shirkii wadatashiga, kadib markii ay maanta ka bexeen ergooyinkii kasocdey dowlad goboleedka Jubbaland, sidoo kalena ay saaka dowladda Puntland diidey ka qaybgalkiisa.

Shirkaan ayaa waxaa shalay ilaa xalay hareeyey muran laxiriira cida ah maamul goboleedka dhabta ah ee xubinta ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya, kadib markii uu shirka soo fariistay Cabdikariin Xuseen Guuleed hogaamiyaha maamulka Galmudug.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa shirka uga gaabsatay ka qaybgalkiisa sida ay wararku sheegayaan inay diidey aqoonsiga maamulka Galmudug oo uu madaxweynaha Soomaaliya u sheegay maamulada kale inay aqoonsadaan uuna yahay maamul buuxa.

Dhanka Galmudug ayaa lasheegay inay u diideen ka inay shirka soo fadhiyaan kadib markii uu madaxweynaha Soomaaliya diidey inuu aqoonsado in Jubbaland ay tahay maamul dhamaystiran oo ka baxay kumeel gaarnimadii, kadib markii dhowaan ay ka baxday.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com