Dowladda Puntland oo joojisay dhismaha golaha deegaanka ee degmada Ufeyn

Bosaso,Jan 31 -Dowladda Puntland ayaa maanta shaacisay in la baalmaray shuruudihii looga baahnaa dhismaha golaha deegaanka ee degmada Ufeyn oo lasoo gabagabeeyay 26-kii bishan.

Warqoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha iyo dowladdaha hoos ee Puntland ayaa lagu sheegay kadib markii la tixgliyay duruufta iyo dib u heshiisiinta beelaha ee hadda socota.

Markii la’ogaaday qaabkii ay u howlgaleen dhinaca farsamada xubnihii aaday dhismaha golaha deegaanka ee degmada Ufeyn inaysan waafaqsanayn shuruudaha dhismayaasha golaha deegaanka.

Qoraalka lagu joojiyay golaha deegaanka ee degmada Ufeyn ee lasameeyay 26-kii bishan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay wasaaradda arimaha gudaha,madaxtooyada Puntland iyo dhamaan masuuliyiinta dowladda inay isla garteen in la joojiyo ilaa iyo amar dambe dhismaha golaha deegaanka ee degmada Ufeyn.

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo saxaafadda u aqriyay qoraalkan ayaa waxaa uu sheegay gudoomiyaha sharciga ee degmada Ufayn inuu yahay Bashiir Cabdi Xuseen oo xilkaan horay waaana uu intaasi raaciyay xubanaha golaha deegaanka ee degmada Ufeyn loo samyeeyay iyo maamulka ay doorteen ay tahay mid aan waxba ka jirin.

Golaha deegaanka ee degmada Ufeyn ayaa waxaa 26-kii bishaan ka qaybgalay wasiir kuxigeenka labaad ee arimaha gudaha Puntland Cabdi Yaasiin Xirsi,wasiiru dowlaha ganacsiga Maxamuud Beel daaje.

Gudoomiyaha gobolka Bari oo wax laga weydiiyay inuu jiro wada shaqayn la’aan dhanka masuuliyiinta golaha deegaanka soo dhisay iyo maamulka gobolka Bari ayaa waxaa uu beeniyay inuu jiro khilaaf dhanka shaqada bale waxaa uu tilmaamay inay jirto kaliya khalad dhanka farsamada ah.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Dowladda Puntland oo joojisay dhismaha golaha deegaanka ee degmada Ufeyn”

  1. 67677276

    Xalib

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com