HomeUncategorized

Dowladda Puntland oo Guddi u Saartay u diyaar-garowga 1-da Agosto

Jimco, Luuliyo 03, 2015 (Daljir) —Dowladda Puntland ee Soomaaliya ayaa bilowday u diyaar garowga Munaasabadda 17sano guuradii ka soo wareegtay aas aaskii Puntland 1998-kii, iyadoo arintaasi gudi u saartay.

Ciidamada Jubba oo baaritaan ka bilaabay Xaafada Faanoole ee Kismaayo oo maanta Qarax ka dhacay
DHEGEYSO-Gudoonka barlamaanka oo dalbaday in xukuumadda lasoo dhiso.
(DHAGEYSO) Barnaamijka Saaka & Dunida (Xarunta Gaalkacyo)

Jimco, Luuliyo 03, 2015 (Daljir) —Dowladda Puntland ee Soomaaliya ayaa bilowday u diyaar garowga Munaasabadda 17sano guuradii ka soo wareegtay aas aaskii Puntland iyadoo arintaasi guddi u saartay.

Shirkii golaha wasiiradda Dowlada Puntland ay isugu yimaadeen ee khamiislaha ahaa ayaa arrintan lagu jeex jeexay, waxaana lagu dhiiri geliyay shacab iyo maamulba in si hufan oo hagaagsan loogu diyaar garoobo Xuska maalintaas qiimaha weyn ku leh Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland C/wali Maxame Cali gaas ayaa u sheegay golihiisa in 1-da Agoosto ay tahay maalin mudan oo uu ugu baaqayo dhamaan shacabka iyo dowladuba in ay maalintaas u diyaar garoobaan.

Madaxweynaha ayaan intaas ugaga harin  ku dhiiragelinta u diyaar garowga 1da Agoosto, waxaana uu goobta uu shirku ka dhacayay kaga dhawaaqay gudi heer wasiir ah oo dhan 8 xubnood kuwaas oo ay ka mid yihiin
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud
Wasiirka Wasaaradda Amniga
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha
Wasiirka Wasaaradda Haweenka
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: