Dowladda Puntland oo Guddi u saartay Qaraxii lala Eegtay Shaqaalaha QM

Isniin, Abriil 20, 2015 (Daljir) — Madaxweyne Kuxigeenka dowladda Puntland C/xakiin C/llaahi Cameey oo Maanta Booqasho ku tagay Xaruuntii Qaraxa lagu qaaday iyo Isbitaalo la dhigay Dadkii Dhaawacmay ayaa Magacaabay Guddi Baaritaan deg Deg ah ku sameenaya Qaraxa,kuwaas oo maanta uu Magacaabay.

Gudiga oo ka kooban Wasiiro iyo Taliyaal ciidan ayaa waxaa ay ka yihiin.

1: Wasiirka Aminga Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Aloore

2: Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle

3: Wasiir Dawlaha caafimaadka Puntland Cabdullaahi Jaamac Cali

4: Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf

5: Taliyaha Nabadsugida Puntland Cor. Cabdullaahi

Puntland waxay si buuxda u cadaynaysaa inaan falkaan wax saamayn ah ku yeelanayn amniga iyo kala-dambeynta wanaagsan ee kajirta Puntland, xaalada magaalada Garoowana ay tahay mid caadi ah, islamar ahaantaana ciidanka Amniga Puntland si dar dar leh ay u wadaan baaritaano xoogleh oo ku aadan dhacdadaas.

By: Abdirashiid Abshir

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com