Dowladda Puntland oo Dawooyin iyo Dhakhaatir u diraysa Muqdisho & Gaas oo Guddi Magacaabay (dhegayso)

Dowladda Puntland oo Dawooyin iyo Dhakhaatir u diraysa Muqdisho & Gaas oo Guddi Magacaabay (dhegayso)

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali gaas ayaa maanta Magaalada Bosaaso kaga dhawaaqay kulan aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen golaha wasiirada lagu go,aamiyay in Puntland ay dirto deeq daawo iyo dhaqaatiirba leh si looga qayb qaato gurmadka loo fidinayo dadkii ku wax yeeloobay Qaraxii muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu magacaabay gudi ka shaqeeya taakulaynta dadka kudhaawacmay masiibadii ka dhacya magaalada Muqdsiho, waxaana uu shacabka ganacsatada ugu baaqay in ay ka qayb qaataan gurmadkan.

Puntland ayaa ahaa maamulkii ugu horeeyay ka tacsiyeeya dadkii kudhintay iyo kuwii kudhaawacmay Qaraxii kadhacay labar 5 .

dhegayso codka madaxweynaha

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com