Dowladda oo  ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Sheekh Shariif

HomeWararka

Dowladda oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Sheekh Shariif

Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Warbaahinta kulahadlay magaalada Muqisho kana jawaabay hadalkii madaxda xisbiy

Somaliland oo si kulul ugu jawaabtay Guddiga difaaca Puntland (Akhriso)
Wasaaradda Cafimaadka DFS oo shacabka Muqdisho ugu baaqday in laga hortago faafida COVID-19
Caawa & Daljir iyo Maxamud Cabdi Ibrahim, Daljir Bossaso (dhegayso)

Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Warbaahinta kulahadlay magaalada Muqisho kana jawaabay hadalkii madaxda xisbiyada ayaa ku tilmaamay hadaladii ka soo baxay shalay Sheekh Shariif Sheekh Axmed kuwo la yaab iyo lama filaan ku noqday shacabka Soomaaliyeed.

“Warka ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waa mid la yaab iyo filanwaa ku noqday ummada Soomaaliyeed kaas oo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada qof hore dalkaan xil astaan qaran u soo noqday.”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Warfaafinta oo war kooban oo taleefishinka dowlada laga baahiyay ku sheegay in dowladu ugu yeereyso Sheekh Shariif inuu dhowro magaciisa iyo sharafkiisa kana taxadaro waxkasta oo dhaawacaya muuqaalka qaran ee uu xambaarsan yahay Madaxweyne hore.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu baaqay madaxdii hore ee dalka in uu waajib ka saaran yahay midnimada iyo bedqabka dalka.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: