Site icon Radio Daljir

Dowladda oo ka hadashay dagaalka Xeraale (Daawo)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ugu baaqay dadka ku dagaalamaya deegaanka xeraale iyo degmada Cadale ee Gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud inay dagaalkaas si deg deg ah u joojiyaan.

Wasiirka waxa uu shegay in dagaaladaas ay yihiin kuwo dhowr jeer soo laab laabtay,waxana uu ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka iyo cid kasta oo kaalin ka geysan karta ay kaalin ka qaadato joojinta dagaaladaas.

Deegaanka Xeraale ayaa waxaa ka jira maamul maxalli ah oo aan hoos tagin Maamulka Galmudug, waxaana garabka ka taliya deegaankaas uu ka go’ay Ahlusunadii Dhuusamareeb iyo Guriceel ee ku biiray Maamulka Galmudug.

Hoos Kadaawo Shirka Jaraaid ee Wasiirka.

Exit mobile version