Dowladda oo faahfaahisay howlgalo ka dhacay gobalada dalka

Dowladda oo faahfaahisay howlgalo ka dhacay gobalada dalka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xasan Gacaliye ayaa Warbixin la Xiriirta howlgalada Ciidanka xoogga ee Gobalada Dalka ,waxa uu ka dhageystay Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Janeraal Cabaas Amiin Cali.

Janeraal Cabaas Amiin ayaa u sheegay Wasiirka Gaashaandhigga in Ciidanka howlgallo qorsheysan ay ka wadaan labada Shabeelle iyo qaar ka mid ah Gobalada dalka si looga saaro Ururka Al-Shabaab.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalaldii ugu dambeeyay ee labada Shabeelle ay Ciidamada qasaaro xoogan ku garsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana howlgallada ay noqon doonaan kuwo si joogta ah u sii socda.

Wasiiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa boogaadiyay guulaha Ciidanka xoogga dalka , isagoo tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska Xoogga ka go’antahay in dalka laga saaro Al-Shabaab.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen degaano hoostaga Magaalada jowhar iyo degmada Raaga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com