Dowladda oo beenisay Warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

Wasiirka Gaadiidka Xuluumadda xilgaarsiinta Duran Axmed Faarax ayaa Maanta oo taariikhdu tahay 5 Janaayo 2022 beeniyay war lagu faafiyay baraha bulshada kuwaas oo la xariira Maamulka hawadda Dalka.

Wasiir Duran Axmed Faarax ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in Maamulka hawadda dalka lagu wareejiyay Shirkad gaar loo leeyahay taas oo fadhigeedu yahay Maraykanka.

”XFS oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay masuul uga tahay maamulka hawadda uma qorshaysna in Maamulka hawadda ay ku wareejiso shirkad gaar loo leeyahay, waana been abuur wararkaas lagu faafiyay baraha bulshada” ayuu Yiri Wasiir Duran Axmed faarax.

Soomaaliya ayaa maamusha hawadeeda, waxaana tan ay qayb ka tahay horumaradda ay ku talaabasatay dawladda soomaaliya ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com