Dowladda Masar oo Maanta Muqdisho geysay Deeq Dawo ah (dhegayso)

Dowladda Masar oo Maanta Muqdisho geysay Deeq Dawo ah (dhegayso)

Diyaarad nuuca Mileteriga ah oo ka timid dalka Masar, islamarkaana siday deeq daawo ah oo gaareysa 5-tan ayaa soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qunsulka Safaaradda Masar kala wareegay deeqdani waxaana goob joog ka ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya, saraakil ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo madax kale.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud ayaa uga mahad celiyay Dowlada Masar deeqda ay soo gaarsiiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo la wareegay deeqadni daawada ah oo gaareysa 5-tan ayaa goobta ka sheegay in daawadani la geyn doono goobaha loogu tala galay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com