Dowladda Mareykanka oo shaacisay siyaasaddeeda Afrika

Dowladda Mareykanka oo shaacisay siyaasaddeeda Afrika

John Bolton, lataliyaha Madaxweyne Trump ee dhanka ammaanka qaranka, ayaa laba maalmood kahor shaaciyey siyaasadda dowladda Mareykanka ee Afrika. Siyaasadda cusub ee Afrika ayaa lagu tilmaamay mid ku aaddan tartanka quwadaha waaweyn ee Shiinaha iyo Ruushka.

Siyaasadda cusub ayaa si kooban uga ka kooban qodobada hoose:

  1. Dowladda Mareykanku waxa ay dib-u-eegis ku samaynaysaa taageerada ay siiso hawlaha nabad-sugidda ee Qaramada Midoobay
  2. Siyaasadda cusub waxa ay taageeri doontaa oo kaliya hawlaha hufan, isku aaddan, waxkuoolka ah, waxa ayna laali doontaa oo joojineysaa dhammaan hawlaha aan ammaan soo siyaadin
  3. Ujeedada siyaasadda cusub waa in xal loo helo dagaalada joogtada noqday si aysan dagaaladaas waligood sidii ay ahaan jireen u ahaan
  4. Siyaasadda cusub ma aha mid taageero iyo aqoonsi siin doonta mishinada lacagta lagu cuno lana siiyo waddamo soo dira ciidamo aan tababar lahayn, haddana aan haysan qalab ku filan, waxna aan tari karin dadka la rabo in ay dhib jira ka dulqaadaan
  5. Yeeli mayno, raallina kama nihin in ciidamo xasilin ama nabad-ilaalin ee Qaramada Midoobay ay isticmaalaan, kuna xadgudbaan oo u galmoodaan dadkii la rabay in ay nabadooda sugaan
  6. Waxa aan hubin doonnaa in canshuurta laga soo aruursho shacabka Mareykanka aan lagu daneysan, loo isticmaalin dano shaqsi, oo loo isticmaalo sidii loogu talagalay
  7. Siyaasaddaan cusub waxa ay suurtagalin doontaa in go’aanka kasta oo aan qaadano, siyaasad kasta oo aan taageerno, iyo doolar kasta oo aan caawimo u bixino ay fidiso oo garab u noqoto siyaasadda dowladda Mareykanka ee gobolkaas
  8. Siyaasaddu waa in ay hormariso xiriirka ganacsi iyo midka dhaqaale ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Afrika
  9. Waxaan rabnaa in gobolka barwaaqa loo horseedo, dal kastana uu u madaxbannaan yahay siyaasaddiisa iyo timaadadiisaba. Waxaan rabnaa wadashaqayn oo ma rabno in na loo shaqeeyo
  10. Waxaan kahortagaynaa hanjabaadaha ururada xagjirka iyo kuwa argagixisada sida Daacish iyo al-Qaacida
  11. Lacagaha lagu bixiyo siyaasadahaas kahortagga argagixisada iyo mucaawinooyinka ka yimaada shacabka Mareykanka waa in loo isticmaalo sidii loogu talagalay oo aan la musuqmaasuqin
  12. Lacago danbe iskama bixin doonno sidii awal na loo ka bartay, doolar kastana waxaa dabasocon doona xisaabtan. Waxa aan hubin doonaa waxa lagu qabtay doolar kasta oo ah dhididkii shacabka Mareykanka
  13. Waxa aan il gaar ah ku eegi doonnaa quwadaha waaweyn ee tartanka kula jira Mareykanka, sida Shiinaha iyo Ruushka, oo maalgalin xooggan oo dhaqaale iyo mid siyaasadeed ka wada Afrika
  14. Waxa aan il gaar ah ku haynnaa waddamada u daymaysan Shiinaha, siiba Jabuuti oo saldhigga Mareykanka agtiisa saldhig milateri ka siiyey dowladda Shiinaha, dakadeeda Dooraleh ayana ay qarka u saarantahay in Shiinuhu la wareego, haddii uu la wareegana ay tahay khatar ku soo siyaadday amniga Mareykanka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada iyo xagjirka Bariga Afrika
  15. Waxaan kale oo il gaar ah ku haynaa Ruushka iyo siyaasaddisa cusub ee Afrika oo ah mid beegsaneysa khayraadka qaaradda Afrika

Qodobadaas iyo qodobo kale oo ku saabsan siyaasadda cusub ee dowladda Mareykanka ee Afrika kala soco Radio Daljir. Daljir kala soco falaanqayno ku saabsan saameynta siyaasadda cusub ee Mareyknaku ay ku yeelan doonto Soomaaliya, siiba Puntland oo dowladda Mareykanku ay ka taageerto dhanka ammaanka iyo kortagga argagixisada. Siyaasadda cusub saameyn intee le’eg ayey ku yeelan doontaa Ciidama Ammanka Puntland ee loo yaqaan PSF? PSF se ma ku guulaysatay hadafkii loo aasaasay, oo deeqdii shacabka Mareykanka ma loo isticmaalay sidii loogu talagalay?

Hoos kadaawo

Daljir kala soco.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir


Siyaasadda oo faahfaahsan hoos ka daawo:

The Heritage Foundation: The Trump Administration’s New Africa Strategy (13 Dec 2018)

Full statement: Donald Trump’s new policy on Africa

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com