Dowladda Maraykanka oo xaqiijisay in duqayn lagu dilay sarkaal Daacish ka tirsan

Dowladda Maraykanka oo xaqiijisay in duqayn lagu dilay sarkaal Daacish ka tirsan

Hawlgal ay si wada jir ah u filyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda Maraykanka ayaa lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Kooxda Daacish-ta Soomaaliya,sida lagu sheegay War kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Howlgalkaan oo ahaa duqayn ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo xiriirro oo ka tirsan degmada isku shuban ee deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland.

Howlka oo dhacay 14-kii April ayaa ahaa mid ka mid ah dadaalada lagu wiiqayo awoodda waxa loogu yeero Argagixisada laguna badbaadinayo Shacabka,waxana lagu dilay hoggaamiye kuxigeenkii Daacish-ta Soomaaliya kaas oo lagu Magacaabi jiray Cabdixakiin Dhoqob.

Dawladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe dar-dargalisay Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish, iyada oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com