Dowladda Maraykanka oo Joojinaysa Saadkii Ciidamada DFS siin jireen

Sida lagu qoray wakaaladda wararka Reuters dawlada Maraykanka ayaa joojisay taageeradda dhanka saadka ah ee uu siin jiray ciidamada Militryga Soomaaliya kadib markii ay soo baxday wax isdabarin lagu eedeeyay saraakiisha ciidanka.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa xubno ka tirsan waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka waxay sheegaysaa in xukuumadda Washington ay hakad galisay taageeradda dhanka saadka ah ee ay ku bixin jireen militryga Soomaaliya.

Taageeradaas oo iskugu jirta shidaalka iyo cunnada ayaa laga joojinayaa ciidamada sababtuna waxay tahay in guddiga u xilsaaran saadka ciidanka Soomaaliya ay diideen inay hor yimaadaan guddiga ka socday Maraykanka iyo dawlada Federalka oo doonayay inay su’aalo ka weydiinayaan sida uu ku baxay saadkii ciidanka loogu talo galay.

“Waxaan go’aan ku gaarnay inaa hakad galino dhamaan taageeraddii dhanka saadka ahaa ee aan ku bixin jirnay raashinka iyo shidaalka ciidamada militryga Soomaaliya ku baxa” ayaa lagu yiri warka ay daabacday wakaaladda Reuters ee ay kasoo xigatay saraakiisha waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka.

Go’aankaan waxaa uu soo baxay kadib markii saraakiil aan magacyadooda la shaacin oo militryga Soomaaliya ka tirsan ay ku guul daraysteen inay hor tagaan guddi su’aalo weydiin lahaa oo ka socday dawlada Soomaaliya iyo dawlada Maraykanka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com