Dowladda Liibiya oo codsatay in dalkeeda la keeno ciidamo shisheeye

Dowladda Liibiya oo codsatay in dalkeeda la keeno ciidamo shisheeye

Ra’iisul wasaaraha dawlada uu caalamku aqoonsanyahay ee dalka Liibiya Fayez Al Sarraj ayaa caalamku ugu baaqay in caalamka ay ciidamo keenaan dalkaas, si loo difaaco shacabka waddankaas, hadii uusan joogsan dagaalka.

Sarraj oo ku sugan magaalada Baarliin ee dalka Jarmalka, ayaa wareysi uu siiyay saxaafada wadankaas ku sheegay in caalamka ay masuuliyad weyn iska saaraan sidii loo dhameyn lahaa xiisada dagaalka ee waddanka Liibiya.

“Hadii uu jeneral Khalifa Xaftar joojin waayo dagaalka, beesha caalamka waa in ay qaataan mawqif firfircoon oo ku aadan in ay ciidamo keenaan dalka Liibiya sida loo ilaaliyo shacabka waddankaas” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Liibiya.

Dawlada uu caalamku aqoonsanyahay ee dalka Liibiya ayaa wajaheysa weeraro kaga imanaya xoogaga uu hoggaamiyo jeneral Xaftar tan iyo bishii Abriil ee sannadii lasoo dhaafay, iyadoo ay ku dhinteen dagaaladaas in ka badan 1000 qof.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com