Dowladda kenya oo Xukun ku Riday Muwaadin Somaliyeed oo Shabaabnimo ku eedaysan

Dowladda kenya oo Xukun ku Riday Muwaadin Somaliyeed oo Shabaabnimo ku eedaysan

Maxkamad ku taalla Magaalada Mandheera ee Bariga Dalka Kenya, ayaa 30 Sano oo xabsi ah ku riddaay muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/raxmaan Cabdi Taakoow, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ninkan oo 22 jir ah ayaa laga qabtay gudaha xabsi ku yaalla Magaalada Mandheera, iyadoo loogu shakiyay inuu wararka iyo sirta Ciidamada usiin jiray Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Boliiska Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya ayaa Gacanka ku dhigay C/raxmaan Taakoow 14-kii Septembar ee Sanadkan 2017-ka,iyadoona ninkan la eedeeyay uu iska fogeeyay eedeemaha ay ku soo rogeen saraakiisha Ciidamada ee gacanta ku soo dhigay.

Xubno badan ka tirsan Dagaalmayaaasha Al-Shabaab ayaa dhowr jeer dowlada Kenya gacanta ku dhigtay,iyadoona ay ku eedeyso inay xiriir dhow ay la leeyihiin Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com