Dowladda Kenya oo Xirtay Rag Alshabaab Katirsanaa

Dowladda Kenya oo Xirtay Rag  Alshabaab Katirsanaa

Wararka ka imaanaya Dalka kenya ayaa sheegaya in Booliska Dalka Kenya ay xireen Rag u dhashay dalka Burundi oo qorsheynayeey inay ku biraan kooxda alshabaab ee ka dagaalamaya qaybo kamid ah Dalka Kenya iyo Somaaliya.

Boolisku waxaa ay sheegeen in Raggan ay ka soo safreen Magaalada Bujumbura ee caasimadda Dalka Burundi ilaa Kenya kaddibna ay safar hoose ku galeen degaanka Isiolo iyaga oo damacsanaa in ay Mandheera maraan kaddibna Soomaaliya sidaas ku galaan.

Magacyada afarta Qof ee ay gacanta ku dhigeen Booliska Kenya ayaa lagu kala sheegay Ntakarutimana Benerd, oo 41 jir ah , Niyongere Yusuf, 32 jir ah , Nshimirimana Fulgnce Shadady, oo 31jir ah iyo Bizoza Abderauf, oo 20 jir ah.

Booliska ayaa sheegay in Gacanta ku dhigeen Ragan Bishii June ,isla markaana Cadaalada la horgeeyn doono,waxaana soo badanayeey Bilihii u dambeyeey Raga ku biiraya Kooxda Alshabaab oo hadda dilaalka kawada kenya

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com