Dowladda kenya oo xayiraad saartay Ganacsato u dhashay dalkaas

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya ayaa amray in la xayiro hantida iyo lacagaha bangiyada ugu jira 9 muwaadin oo Kenya u dhashay kuwaas oo lala xiriirinayo falal argagaxisanimo.

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya Dr. Fred Okengo Matiang’i ayaa lagu sheegay in talaabadan lagu curyaaminayo shaqada argagaxisada.

Dadka xayiraada la saaray ayaa kala ah, Halima Ali, Waleed Zein, Sheikh Boru, Mohammed Ali, Nuseiba Haji, Abdimajit Hassan, Mohammed Ali Abdi, Muktar Ali iyo Mire Elmi.

Kenya aya dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay weeraro qaraxyo iyo dagaal toos ah oo dad badan ay ku dhinteen, isla markaana mas’uuliyadooda ays heegteen Al-Shabaab.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com